YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 38

38
Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub
1Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,
oo wuxuu ku yidhi,
2Waa kuma kan talada ku madoobeeya
Erayada aan aqoonta lahayn?
3Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?
Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?
Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?
Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,
Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay
Sidii wax maxal ka soo baxay,
9Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,
Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10Oo aan hareeraheeda xad u amray,
Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,
Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay?
Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13Si uu u qabsado dhulka darfihiisa,
Oo sharrowyada looga hurgufo?
14Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa,
Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday,
Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay?
Miyaadse moolka salkiisa martay?
17Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey?
Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa?
Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee?
Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20Si aad soohdintiisa u martid,
Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd
Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo?
Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada,
Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa?
Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah,
Amase hillaaca onkodka,
26Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin,
Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah,
Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28Roobku ma aabbuu leeyahay?
Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay?
Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale,
Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo?
Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto?
Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33Miyaad taqaan amarrada samooyinka?
Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa,
Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan,
Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey?
Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara?
Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38Markii boodhku taallooyin noqdo,
Oo ciidduna ay isku dhegto?
39Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid?
Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan,
Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41Bal yaa tukaha cunto ku quudiya,
Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan,
Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

Currently Selected:

AYUUB 38: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy