YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 24

24
1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?
Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
2Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,
Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
3Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,
Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,
Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
5Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga
Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;
Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
6Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,
Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
7Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,
Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
8Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,
Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
9Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,
Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,
Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,
Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,
Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,
Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,
Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,
Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,
Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,
Oo wuu hagoogtaa.
16Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,
Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,
Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,
Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,
Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,
Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,
Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,
Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,
Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;
Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;
Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,
Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;
Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,
Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,
Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?

Currently Selected:

AYUUB 24: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy