YouVersion Logo
Search Icon

MALAAKII 4

4
Maalinta Rabbiga
1Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona. 2Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale. 3Oo waxaad ku tuman doontaan kuwa sharka ah oo dhan, waayo, maalinta aan saas sameeyo iyagu waxay ahaan doonaan sida dambas cagihiinna ka hooseeya, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
4Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo. 5Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah. 6Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.

Currently Selected:

MALAAKII 4: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy