YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 6

6
Ayuub
1Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
2Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa,
Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
3Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha,
Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
4Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira,
Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa,
Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
5Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto?
Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
6Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa?
Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
7Naftaydu way diidaa inay taabato,
Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
8Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo,
Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
9Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo,
Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
10Markaas waan istareexi lahaaye,
Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn,
Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
11Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed?
Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
12War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa?
Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn?
Sowse xigmaddu igama fogaan?
14Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto
Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
15Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale,
Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
16Kuwaasoo barafka la madoobaaday,
Oo uu barafka cad isku qariyo.
17Markay qorraxoodaan way libdhaan,
Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
18Kuwa safraa gees bay uga leexdaan,
Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
19Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray,
Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
20Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen,
Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
21Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen,
Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
22Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii?
Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
23Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi?
Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa;
Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
25Erayo runu xoog badanaa!
Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
26Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan?
Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta,
Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
28Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya,
Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
29Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin,
Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
30War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran?
Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?

Currently Selected:

AYUUB 6: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy