YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 5

5
1Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa?
Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?
2Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila,
Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
3Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay.
Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.
4Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin,
Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa,
Mana jiro mid samatabbixiyaa.
5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan,
Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan,
Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.
6Waayo, belaayo kama soo baxdo ciidda,
Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka,
7Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay,
Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
8Aniguse Ilaah baan baryi lahaa,
Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,
9Kaasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin,
Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,
10Oo dhulka roob ku di'iya,
Beerahana biyo u soo dira.
11Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa,
Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.
12Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada,
Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.
13Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa;
Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
14Oo maalinnimada ayay gudcur helaan,
Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.
15Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda,
Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
16Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay,
Xumaantuse afkeeday xidhaa.
17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto,
Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
18Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa;
Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
19Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato,
Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
20Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa,
Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
21Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka;
Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
22Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta,
Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.
23Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka,
Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
24Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay,
Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.
25Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono,
Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.
26Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa,
Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay,
Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

Currently Selected:

AYUUB 5: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy