YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 42

42
Ayuub
1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2Waan ogahay inaad wax walba kartid,
Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.
3Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa?
Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn,
Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee,
Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
5Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay,
Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
6Sidaas daraaddeed waan isnacayaa,
Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
Dhammaadkii Ayuub
7Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 8Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 9Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay. 10Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood. 11Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah. 12Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood. 13Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood. 14Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug. 15Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey. 16Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah. 17Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.

Currently Selected:

AYUUB 42: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy