YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 40

40
1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa?
Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
4Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa?
Afkaan gacanta saarayaa.
5Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo,
Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
6Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
7Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
8War ma xukunkaygaad burinaysaa?
Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?
Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,
Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,
Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,
Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13Dhammaantood ciidda ku qari,
Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa
In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
15Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale,
Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
16Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda,
Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
17Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale,
Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
18Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah;
Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
19Iyadu jidadka Ilaah waa u madax,
Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
20Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya
Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
21Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan,
Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
22Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya,
Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
23Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto,
In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
24Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda?
Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?

Currently Selected:

AYUUB 40: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy