YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 26

26
Ayuub
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn!
Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn!
Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
4Yaad erayo kula hadashay?
Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
5Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan
Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
6She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan,
Oo Halligaadduna dabool ma leh.
7Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan,
Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
8Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn;
Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
9Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa,
Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
10Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin
Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
11Tiirarka samadu way gariiraan,
Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
12Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa,
Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
13Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa,
Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
14Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun;
Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa!
Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?

Currently Selected:

AYUUB 26: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy