YouVersion Logo
Search Icon

XAAKINNADA 6

6
Gidcoon
1Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu intii toddoba sannadood ah gacanta u geliyey reer Midyaan. 2Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh. 3Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen; 4oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona. 5Waayo, waxay la iman jireen xoolahooda iyo teendhooyinkooda, oo waxay u faro badnaayeen sida ayaxa oo kale. Iyaga iyo geeloodu midna tiro ma lahayn; oo waxay dalka u iman jireen inay baabbi'iyaan. 6Oo reer Midyaan aawadood ayay reer binu Israa'iil aad iyo aad ugu caydhoobeen; markaasaa reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen.
7Oo markii reer binu Israa'iil Rabbiga ugu qayshadeen reer Midyaan aawadood 8ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga; 9waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey; 10oo waxaan idinku idhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaydnaan ka baqin ilaahyada reer Amor oo aad dalkooda deggan tihiin; laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii.
11Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan. 12Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu. 13Oo markaasaa Gidcoon malaggii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, haddii Rabbigu nala jiro, de maxaa waxyaalahan oo dhammu noogu dhaceen? Oo meeye kulli shuqulladiisii yaabka lahaa oo ay awowayaashayo noo sheegeen, oo ay nagu yidhaahdeen, Miyaanu Rabbigu naga soo bixin dalkii Masar? Laakiinse haatan Rabbigu waa na xooray, oo wuxuu gacanta noo geliyey reer Midyaan. 14Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin? 15Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Sayidow, maxaan reer binu Israa'iil ku badbaadiyaa? Bal eeg, reerkaygu waa kan ugu liita reer Manaseh, oo anna waxaan ahay kan ugu yar reerka aabbahay. 16Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Hubaal waan kula jirayaa, oo waxaad reer Midyaan u layn doontaa sida nin keliya. 17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya. 18Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid. 19Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa. 20Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay. 21Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii. 22Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay. 23Kolkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Nabad ahow, oo ha cabsan, adigu dhiman mayside. 24Markaasaa Gidcoon halkaas wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Rabbigu waa nabad, oo taasu xataa maantadan la joogo waxay ku taal Cofraah tii reer Abiiceser.
25Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar; 26oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo. 27Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin. 28Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay. 29Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash. 30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay. 31Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga. 32Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.
33Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen. 34Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser. 35Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii. 36Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid, 37bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay. 38Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah. 39Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Cadhadaadu yaanay igu kululaan oo markan keliya ayaan hadlayaa. Markan keliya aan dhogorta wax ku hubsado, waan ku baryayaaye. Bal markan dhogorta keliya engeg ha noqoto, laakiinse dhulka kale oo dhammu dharab ha lahaado. 40Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.

Currently Selected:

XAAKINNADA 6: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy