YouVersion Logo
Search Icon

CIBRAANIYADA 7

7
Ciise Wuxuu Ahaa Wadaad Sare Sidii Malkisadaq Oo Kale
1Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey. 2Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda. 3Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.
4Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii. 5Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim. 6Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday. 7Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan. 8Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay. 9Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey. 10Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.
Ciise Wadaadnimadiisu Way Ka Sarraysaa Wadaadnimada Yuhuudda
11Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun? 12Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo. 13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman. 14Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan. 15Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco, 16kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn. 17Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay
Sidii derejadii Malkisadaq.
18Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii, 19maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno. 20Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon. 21Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi,
Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay.
22Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan. 23Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan: 24Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa. 25Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.
26Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey, 27kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey. 28Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

Currently Selected:

CIBRAANIYADA 7: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy